Koxda Chelsea oo dib ula soo wareegeysa mid ka mid ah xiddigaheedii hore

0
286

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda ka dhisan Galbeedka Magaalada London ee Chelsea ayaa lagu soo warramayaa in ay dib ula soo wareegayan daafacoodii hore ee reer Holland Nathan Ake kaas oo sanadii 2017 ay ka iibiyeen Bournemouth.

Ciyaaryahanka caalamiga ah ee reer Holland ayaa si fiican kaga dhex muuqda kooxda Bournemouth, waxaana lala xiriirinayaa in uu dib ugu laabanayo galbeedka magaalada London ee Stamford Bridge.

Blue ayaa suuqa xilli ciyaaredka ku iibsan karta Ake adduun lacageed dhan £40million, sida wargeyska “The Sun” uu ku warramayo.

Chelsea ayaa ku ibisay Nathan Ake £20 million sanadii 2017.

Hogaamiyaha Bournemouth Eddie Howe ayaa si weyn ula dhacsan qaab ciyaaredka xiddiga caalamiga ah ee Netherland.

Arlaadi Radio