Madaxweynaha KG iyo Madaxa Hay,ada UNDP Oo ka wada hadlay mashaaricda Hay,adaasi ka fuliso deegaanada KGS.

0
278

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Waxaa maanta gelinkii hore magaalada baydhabo ee xaruunta maamulka konfur galbeed soo gaarey wefdi kasocdey hay,ada UNDP oo uu hogaaminaayey madaxa sare somalia ee hay,adaasi Mr.Manson.

Wefdiga ayaa waxaa ay kulan laqaateen madaxweynaha konfur galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada oo ay hay,adu lashaqeyso sida wasaarada arimha gudaha, wasaarada amniga, wasaarada garsoorka, Wasaarada haweenka,

Kulanka kadib waxaa warfidiyeenka lahadley madaxa Hay,ada UNDP iyo wasiirka qorsheynta ee maamulka konfur galbeed ayagoona sheegey in labada dhinacba la isku afgartey dar dar gelinta mashaariicda hormarineed ee ay hay,adu kawado deegaanada KG.

Warkan waxaa noo heya Abdikadir Mohamed Nuur Warcade

 

Arlaadi Radio