Mesut Ozil oo si cad kaga hadlay wararka xanta ah ee sheegaya inuu ka tagayo Arsenal

0
285

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Xiddiga reer Germany iyo kooxda Arsenal ee Mesut Özil ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa Emirates Stadium ee dhaca waqooyiga magaalada London ee wadanka Ingiriiska.

Mesut Özil ayaa xilliyadii la soo dhaafay oo dhan shaki la galinayay mustaqbalkiisa kooxda Arsenal, kahor inta uusan Gunners majaraha u qabanin macalinka reer Spain ee Mikel Arteta, waxaana jiray warar sheegay in la gaaray xilligii uu ka dhaqaaqi lahaa garoonka Emirates.

Haddaba wargeyska “Mirror” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu Mesut Özil kaga hadlay mustaqbalkiisa kooxda Arsenal wuxuuna yiri:

“Xilli cayaareedkan kaddib waxaan haystaa sanad kale, intaas kaddib waan ogaan doonaa, sababtoo ah ma arki karo waxa dhici doono mustaqbalka”.

“Waxa kaliya aan sameyn karo ayaa ah, inaan wax walba siiyo kooxda, si aan u guuleysano” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mesut Özil.

“Waxa aan ogahay ayaa ah inaan wax walba siin doono kooxda iyo asxaabteyda, madaama aan soo marnay xilli ciyaareed adag”.

“Waxaan dooneynaa inaan guul gaarno markale kulamada aan ciyaareyno si aan u helno dhibco, waxaa suurtogal ah in xilli ciyaareedkan aan kaga dhameysano afarta ugu sareysa”.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here