Tartanka qaadista miisaanka culus oo Muqdisho lagu qabtay

0
270

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo gaba gebeeyey tartanka qaadista miisaanka culus oo muddooyinkii dambe ka socday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, ayna ka qayb galeen dhallinyaro badan.

Dhallinyarada jirkooda dhisa ee caasimadda Muqdisho ayaa si weyn tartanka uga qeyb galay, waxayna tilmaameen inay ku faraxsan yihiin inay helaan tartan noocan oo kale.

Tartankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey oo nuuciisa ah ee loo qabto dhallinyarada ku dhaqan gudaha magaalada Muqdisho.