Arsenal oo Saddex ka mid ah xiddigaheeda safkeeda hore iska iibineysa suuqa xagaaga

0
265

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda kubadda cagta ee Arsenal ayaa lagu soo warramayaa in saddex ka mid ah cyaaryahanada safkeeda hore ay iska iibineyso batamaha sanadkan 2020 oo daaqada suuqa kala iibsiga mar kale la furi doono.

Shabakada “Goal.com” ayaa fahansan in Gunners ay suuqa xagaaga iska ibin karto xiddigaha kala ah  Aubameyang, Lacazette & Ozil.

Macallinka Arsenal ee Mikel Arteta ayaa qorshe weyn ka leh suuqa xilli ciyaaredka waxa suuragal ah in kooxdiisa uu ka diro Pierre-Emerick Aubameyang, Alexandre Lacazette iyo Mesut Ozil.

Saddexdan cyaaryahan ayaa ka mid ah furayaasha Gunners ee dhinaca guulaha, inkastoo kooxda qaab ciyaared liita ay ku jirto ololahan soconaya.

Image result for Aubameyang, Lacazette and Ozil.

Weeraryahanka reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa waxa uu dalab ka helay suuqii Janaayo kooxda Barcelona.

Ciyaaryahankii hore ee xulk qaranka Germnay balse asal ahaan ka soo jeeda Turki-ga ee Mesut Ozil ayaa qudhiisa looga gacan haatiyay Bariga dhexe gaar ahan kooxaha ka dhisan dalka Qatar.

Halka Weeraryahank France ee Alexandre Lacazette isaguna lala xiriiriyay suuqii soo xirmay dhawaan kooxda ka dhisan caasimada Spain ee Atlético de Madrid.

Arlaadi Radio.