Heshiis Cusub oo ay wada gaareen Dalal ay Somalia ku jirto.

0
278

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Shir looga hadlayo horumarka iyo isdhexgalka dalalka geeska Afrika ayaa dalka Jabuuti uga furmay wasiirada maaliyadda dalalkaasi,waxaana shirkaasi Soomaaliya uga qeyb-galaya Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle .
Shirka oo uu shir guddoominayo Wasiirka Maaliyadda dalka Jabuti Ilyaas Muuse Dawaale ayaa waxaa diirada lagu saarayaa sidii sare loogu qaadi lahaa horumarka isdhexgalka dalalka geeska Afrika iyo sidii mashruucaan dariiqyada loogu furo wadamada Geeska afrika.

Shirkaan ayaa waxaa maalgelnaya Bangiga Adduunka ,Midowga Yurub iyo Bangiga horumarinta Afrika,waxaana shirka lagu go’aamiyey in la dhiso wado kasoo bilaabata Magaalada Asmara soona marta Itoobiya iyo Soomaaliya si ay u gasho dalka Kenya.

Warkan waxaa noo heya Bishaar Mayow Muqtaar