Ololaha wacyigelinta dib-u-eegista dastuurka oo ka furmay Muqdisho

0
327

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Waxaa maanta magaalada muqdisho ka bilowday ololaha wacyigelinta ee dib-u-eegista dastuurka kasoo ay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka hogaamineyso.

Shirkii ugu horeeyay ee ololaha maanta waxa kasoo qaybgalay qaar kamid ah dhalinyarada iyo saxaafadda isaga oo socon doona seddexda cisho ee soo socta.

Agaasimaha Waaxda Wacyigelinta Dadweynaha ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo shirka ujeedadiisa ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaradda ay maanta si rasmi ah u bilowday ololaha kasoo la gaarsiin doono dhamaan gobolada.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saaalax Axmed Jaamac oo si rasmi ah u furay ololaha ayaa ku booriyay dhalinyarada ka qeybagleysa in ay aad ula socdaan ololaha si ay xog-ogaal ugu noqdaan dhameeystirka dastuurka.

“Waxa aan aad ugu faraxsanahay in maanta qaar kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed aan ku bilowno furitaanka ololaha, waxaan dooneynaa in aan wacyigiina kor u qaadno si aad ula socotaan howlaha lagu dhameeystirayo dastuurka islamarkaana aad talo ugu yeelataan qodobada maasiiriga ah ee u baahan in aad ra’yigiina ka dhiibataan”.

Ugu dambayn, Wasiirka ayaa sheegay in ololahan la gaarsiin doono dhamaan dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir si kor loogu qaado wacyiga dadka ee ku saabsan dastuurka islamarkaana loo dhageeysto talooyinkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here