Shiinaha oo dhameystiray isbitaal lagu dhisay lix maalmood

0
436

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Waxaa maanta dalka Shiinaha laga furayaa isbitaalkii ugu horeeyay ee loogu talagalay in lagu daweeyo dadka uu haleelay caabuqa Corona ee ka dilaacay dalkaas.

Isbitaalkan oo laga dhisay meel aan ka fogeyn halka uu xanuunka ka dilaacay markiisi hore ee Magaalada Wuhan ayaa shaqaalihii ka shaqeeynayay waxay ku qaadatay maalmo, si loo dhiso isbitaal ay seexan karaan kun bukaan.

Mas’uuliyiinta Magaalada Wuhan waxay sheegeen in hawsha ugu badan ee isbitaalka la qabtay 48-dii saac ee ugu horeysay, waxaana ay intaa raaciyeen in ay ka qeyb qaateen injineero ka kala socday shirkadaha dhismaha ee Shiinaha iyo injineerada ciidanka Dowladda.

Muuqaalo ay baahisay dowladda hoose ee Huanggang oo ah gobolka uu cudurka ka dilaacay ayaa muujinaya shaqaalaha dhismaha isbitaalka oo gidaarada gelinaya xargaha korontada, waxaana ay sheegtay in maalin kahor la dhameystiray qeyb ka mid ah isbitaalka, laba geliyay wax walba sida biyaha iyo korontada.

Mas’uliyiinta Magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha ayaa horay u ballan qaaday in isbitaal cusub ay ku dhisi doonaan muddo lix maalmood gudahood ah, si loogu daweeyo bukaannada looga shaki qabo inay qaadeen cudurka coronavirus.

Ilaa iyo hadda waxaa Shiinaha gudihiisa laga xaqiijiyay 6,000 oo kiis oo cudurkaas ah, halka 132 ruuxna ay u dhinteen inta la ogyahay.

Cudurkan ayaa markii ugu horreysay ka dillaacay Wuhan, oo hoy u ah qiyaastii 11 malyan oo ruux. Isbitaallada magaalada ayaa la ciirciiraya dadka deegaanka oo ka walaacsan cudurkan, islamarkaana doonaya inay iska baaraan, halka farmashiyeyaashuna ay daawada kasii dhammaaneyso.

Sida ay tabisay warbaahinta dowladda, isbitaalka cusub ayaa ka koobnaan doona ilaa 1,000 sariir. Muuqaal ay warbaahinta Shiinaha ku shaaciyeen internet-ka ayaa muujinaya dhismaha isbital oo la dhameystiray.

Mr Huang ayaa sheegay in Injineerrada dhismahan ka qeyb qaadanaya laga kala keenayo guud ahaan qeybaha kala duwan ee waddanka, si dhismaha loogu soo afjaro waqtiga loo qabtay.

Maalintii Jimcada, wargeyska Global Times ayaa xaqiijiyay in 150 dhakhtar oo ka socda milatariga Shiinaha ay gaareen Magaalada Wuhan. Hase ahaatee ma kala caddeynin in dhakhaatiirtaas ay ka howl gali doonaan isbitaalka cusub ee la dhisayo iyo inkale.