Nin 30 taleefoon jeeb siibay oo la qabtay

0
282

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Booliska dalka Netherland ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay in kastuumo ama hoos-gashi uu xirnaa ku xaseeyay 30 taleefoon oo uu jeeb-siibay.

Booliska dalkaas ayaa sheegay in ninkan 34 jirka ah lagu tuhmayo in taleefoonadaas uu kasoo jeeb-siibay dad ka qeybgalayay bandhig faneed.

Booliska ayaa ninkan kahor istaagay in uu ka baxo albaabka laga soo galo kadib markii dadkii halkaas joogay ay ku wargeliyeen.

Taleefoonada la xaday ayay booliska sheegeen in ay gaarayaan 50 taleefoon, ilaa iyo haddana ma cadda in qofka looga shakiyay oo u dhashay dalka Romania ay ku wehliyaan koox kale.

Bandhig faneedkan ayaa 21-kii bishan Janaayo ka dhacay Magalaada Amsterdam ee dalka Netherlands.

Laamaha ammaanka ayaa tegay goobta uu falka ka dhacay, kadib markii qaar kamid ah dadkii taleefoonada laga jeeb-siibay ay ku wargeliyeen, waxayna taas keentay in la xiro dhammaan albaabad laga baxo ee goobta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here