Madaxa hay,ada bisha Cas ee Turkiga oo Maamulka Gobolka Banaadir kulan la qaatay.

0
343

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Xarunta Aqalka dowlada hoose ee Xamar ayuu ka dhacay kulan gaar ah oo uu Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Caasimadda Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) uu kula qaatay wafdi uu horkacayay madaxa hey’ada bisha Cas Turkiga u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mr Mustafa Sahin Firad.

Kulankan waxaa goob joog ka ahaa gudoomiye ku-xigeenka arimaha maamulka iyo maaliyada gobolka Banaadir iyo gudoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada gobolka Banaadir iyadoo arimaha looga hadlay ayaa ugu muhiim sanaa horumarinta daryeelka bulshada gaar ahaan quudinta dadka barakacayaasha ah iyo qoysaska danta yar waxaa sidoo kale wax yaabihii kulankani looga hadlay kamid ahaa xoojinta howlaha kor loogu qaadayo bilic soo celinta Caadimadda.

Kulanka kadib waxaa warbaahinta la hadlay madaxa hey’ada bisha Cas Turkiga u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mr Mustafa Sahin Firad isagoo sheegay in hey’adu ay diyaar u tahay ka qeyb qaadashada arimaha xalka waaro loogu gaarayo barakacayaasha.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka hadlay waxyaabihii ay isla meel dhigeen madaxada bisha Cas ee dalka Turkiga.

Arlaadi Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here