Gudoomiyaha Baarlamanka KG oo kulan la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Koonfur Galbeed.

0
343

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed Mudane Abdukadir Sharif Sheekhuna Maye, ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobay uqaabilsan Koonfur Galbeed Arnaud Laloum.

waxaan ay yeesheen Shir Saacado badan qaatay oo looga hadlaayay qodobo dhowr ah, Waxaana ugu horeyn la iska xog wareystay Guud ahaan Koonfur galbeed Sida habsamida leh ee ay shaqada usocoto, soo xulista Xildhibaanada Baarlamanka Labaad iyo Doorashada Gudoonka Baarlamanka Koonfur Galbeed iyo Xilliga ay dhacayso, iyo sidii Xafiiska Qaramada madoobey qeybtiisa Koonfur Galbeed caawimaad uga geysan lahaa wax walba loo baahanyahay,

Arnaud Laloum Wakiilada Qaramada madoobey uqaabilsan Koonfur Galbeed ayaa bogaadiyay waxqabadka Baarlamankii 1-aad ee Koonfur Galbeed iyo sida Wanaagsan ee hada shaqada Baarlamanku ay usocoto.

shirka ayaa la isku dhaafsaday afkaar ku aadan qaabka doorashada Baarlamanka Labaad ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay ugu dhici lahayd si ay u noqoto Doorasho Xur iyo Xalal ah.

ugu Dambeyntii Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Abdukadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa Qaramada Madoobey ugu Mahadceliyay Sida Mar walba ay u garab taaginyiin Dowlad Goboleedka KGS ayna diyaar u yihiin in ay wax walba ay ka caawiyaan .

Arlaadi Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here