Xildhibaanada Aqalka Sare Oo Maanta Ansixiyay Hindise sharciyeedka Howlgabnimada.

0
283

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee dalka ayaa Maanta waxaa kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeesheen Xaruntooda Magaalada Muqdisho, iyagoona uga dooday laba Ajendo.

Kulanka Aqalka Sare ayaa Maanta waxaa uu ahaa Ajendihiisu ahaa Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Istaatistikada Qaranka iyo Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.

Guddomiye ku-xigeenka Guddiga Arrimaha Dibedda Qorsheynta, maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Aqalka Sare-BFS Senatar Mohamed Osman Farah ayaa ka hor akhrisay Warbixinta Akhrinta 3aad ee Hibdise-sharciyeedka Istaatistikada Qaranka.

Waxaa hor-yimid Golaha Aqalka Sare Wasiirka Wasaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Jamaaal Maxamed Cusman iyo Xubno kale oo kasocda Wasaarada.

Guddiga Arrimaha Dibedda Qorsheynta, maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Aqalka Sare ayaa mariyay Akhrinta 3aad ee Hibdise-sharciyeedka Istaatistikada Qaranka.

Golaha Aqalka sare aya ansixiyey Hindise-sharciyeedkani. Waxaa soo xaadiray 32 Senatar.

Waxaa Ogaalada 31 Senatar,Wax diiday majirin , Waxaa ka aamusay majirin,waxaana ugu dambeyntii shirka soo xiray Guddomiyaha Aqalka Sare ee BFS.

Arlaadi Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here