Real Madrid Oo Dhameystirtay Saxiixa Xiddig Kale Oo Reer Brazil Ah.

0
287

Real Madrid ayaa ku dhawaaqday iay dhameystirtay saxiixa 18 jirka khadka dhexe Reinier kaasoo ka soo wareegay kooxda reer Brazil ee Flamengo.

Da’ yarkaan ayaa kooxda Los Blancos u saxiixay heshiis lix sannadood ah oo dhacaya bisha Juun 2026 isagoo uga soo wareegay kooxda Falamengo lacag ka yar 30 milyan euro.

Los Blancos ayaa qiimo fiican ku heshay xiddigaan marka loo eego tayadiisa iyo waxa uu ku soo kordhin karo mustaqbalka dhow.

Real Madrid waxa ay saxiixa xiddigaan tayada leh ka dul qaaday kooxaha Barcelona, Atletico Madrid, Paris Saint-Germain iyo Manchester United, kuwaasoo dhamaantood doonayay Reinier.

Laakiin si la mid ah xiddigaha kale ee da’da yar ee Brazil Vinicius iyo Rodrygo Real Madrid ayaa ku guuleysatay inay xiddig kale oo Brazil ah ku soo biiriso kooxdeeda iyagoo uga mahadcelinaya shaqada uu qabtay Juni Calafat.

Reinier oo shalay uun 18 sanno jir noqday ayaa ah xiddig reer Brazil oo khadka dhexe ah waxa uu ita badan ka ciyaaraa booska ka danbeeya gooldhaliyaha ama inuu weerarka gadaashiisa ka dheelo haddii shax ciyaareedka uu yahay 4-4-2.

Waa xiddig awood jir ahaaneed leh, waxaana u sii dheer farsamo cajiib ah oo uu leeyahay. Waxa uu dhalin karaa goolal, wuxuuna yahay caawiye sareeya sida uu u soo sameeyay kooxda Flamengo oo uu natiijooyinka u keeni jiray.

Real Madrid ayaa ku sii socota la soo wareegida xiddigo da’ yar oo qiimo macquul ah, iyagoo eegaya mustaqbalka.

Odegaard , Lunin , Kubo , Vinícius , Rodrygo iyo haatan Reinier waxay Real Madrid ku dhaqmeysaa siyaasad ay dejisay dhowr sannadood ka hor iyadoo ciyaartoyda Casemiro, Valverde iyo Asensio ay kula soo wareegeen in aan ka badneyn shan milyan euro, waxayna udub dhexaad u yihiin kooxda haatan.

Arlaadi Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here