Koxda AC Milan oo xiiseyneysa xiddig ka tirsan kooxda Juventus

0
348

Baydhabo(Radio Arlaadi)- AC Milan ayaa lagu soo waramaya in ay xiiseynayaan u dhaqaaqista xiddiga qadka dhexe ee kooxda Juventus iyo xulka qaranka Germany ee Emre Can, sida saakay oo sabti ah lagu daabacay wargeyska “Sport Mediaset”.

Xidiga xulka qaranka Germnay ee Emre Can ayaa shaki badan uu ku jiraa mustaqbalkiisa kooxda magaalada Turin ee Juventus.

Ciyaartoygii hore ee kooxda Liverpool ayaa sidoo kale laga cabsi qabaa inuu dib ugu laabto wadankiisa hooyo gaar ahaan kooxaha BVB iyo Munich.

Emre Can oo booska ka la’a kooxdiisa Juventus ayaa bar-tilmaamedsanaya sidii uu qeyb muhiim ah kaga noqon lahaa koobka qaramada qaarada Yurub ee sanadkan bartamihiisa lagu qaban doono in ka badan 10 wadan oo dhaca qaarada Yurub.

Si kastaba ha noqotee, AC Milan ayaa dooneysa in ay soo qaadato xidigo waaweyn oo uu ka mid yahay Emre Can, xilli ay sidoo kale dib ugu soo celiyeen kooxda weeraryahankoodii hore ee Zlatan Ibrahimovic.

Arlaadi Radio.