Shirkadda diyaaradaha Itoobiya oo dhisaneyso garoon cusub

0
259

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Shirkadda diyaaradaha Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday inay bilaabeyso dhismaha garoon cusub oo ay ku kaceyso ilaa 5 Bilyan oo doolar.

Waxay sheegtay in garoonka laga dhisayo duleedka magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa lagu dhameystirayo muddo lix bilood gudahood.

Garoonkan cusub ayaa qaadi doonaa 100 Malyan oo rakaab ah sannadkiiba, sida laga soo xigtay madaxa fullinta ee shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya.

Wuxuu garoonka ku fadhin doonaa 35 kiiloomiitar oo dhul isku wareeg ah gudaha magaalada Bishoftu oo dhacda koonfur bari Addis Ababa.

Arlaadi Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here