Fasalka 1aad Ayay Dhigataa, Waana Hooyo Leh 3 Caruur Raxmo Xasan Oo Ku Nool Magalada Baydhabo.

0
343

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Raxmo Xasan Maxamed waa 25 sano jir xaas ah lehna sedax caruur waa ardeyad oo dhigata iskuulka hoose dhexe sare ee gabdhaha Cabdalla Deeroq ee magalada baydhabo, hooyo raxmo galinkii hore waaxay aadan waxbarashadeeda gelinkii dambena waxay mareysaa howlaha gurigeeda.

Hooyo Raxmo Xasan ayaa sheegtay salaada subax markay tukato in ay indha mariso casharadii maalin ka hore ay soo qaadatay kadibna waxay sheegtay in 7:30 subaxnimo ay soo adeyso iskuulkeeda iyadoo dhabarka ay kusidato wiilkee oo ka yar hal sano, waxaana usii dheer raxmo in ay kasoo socdaasho xaafada xawaal edoodi oo masaafo aad u dheer u kala dhaxeyso iskuulka ay wax ku barato.

“ yaraantayda waqtiga ugu badan waxaan kusoo qaatay baadiyaha xoolo ayaan lajiray waxbarashada maadiga ah fursad uma helin madaama aan joogin meel laga heli karo waxbarashada maadiga hadana waxaan garab u ahaa waalidkeyga sidaasi ayaan kusoo weynaaday ilaa aan labo caruur aan ka dhalaayay niyadayda kuma jirin waxbarasho”  ayay tiri hooyo Raxmo Xasan.

Raxmo Xasan Maxamed waxay rajo dheer ay ka leedahay in ay waxbarashadeeda hada ay ka gaarto meel sare, waxayna sheegtay waxbarashada in aysan aheyn wax laga weynaado ee loo weynaado”.

Hada waa fasalka 1, Aad ee iskuulka gabdhaha Cabdalla Deerow ee magalada baydhabo, tani ayay waxay ku tilmaantay in ay tahay fursad ay wax kaga baran karto madaama ay heshay iskuul ugaar ah gabdhah hadana aan laga rabi lacag adag oo fee’ga ah maadama iyadana ay tahay qof danyar ah.

Dadka qaar waxay kasoo garayeen hadalo niyad jab ah, maxaad xiligaani karabtaa waxbarasho aan wax kuugu tareynin caruur aad leedahay meel kafadhiiso gurigaaga kuwaasi iyo kaleba lakiin Raxmo Xasan ayaa waxay ku tilmaantay in ay yihiin kuwo kusii dhiira galinaayo in ay sii wadato waxbarashadeeda madaama ay dhiira galin weyn ka heysato seygeeda.

“ hadii qof waxbaran wey ku adag tahay in ay ogaato muhiimada ay leedahay waxbarashada diin iyo maadi iyo in ay caruurteeda ka ogaato heerka ay marayaan in waxbarashadooda siday tahay ama in ay ka saxdo” ayay sheegtay Hooyo ardeyad Raxmo Xasan Maxamed.”

Ugu dambeyntii Raxmo ayaa waxay lahadashay gabdhaha soomaaliyeed in ay xooga saaraan waxbarashada hadeysan jiri wax ka hor istaagan inay waxbartaan yaraan, weynaan iyo inaad xaas tahay uma kala baxsano waxbarashada, sidoo kale waxay intaasi ku dartay in qofka xiliga uu waxbarashada ku jiro in ay ka duwan tahay marka kale dareenkiisuna uu yahay mid lamid ah hamiga kale ee ku jiraan waxbarashada.

Radio Arlaadi. Halkan Hoose ka dhageyso Codka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here