Labada Maamul KG, Hirshabeelle Iyo Madax Ka socotay EU Oo Baydhabo Kulan Ku yeesheen.

0
311

Baydhabo(Radio Arlaadi)-  Magalada baydhabo ee xarunta gobolka baay ayaa waxaa maanta shir kuyesheen Madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) Iyo qaar ka mid ah golahiisa wasiirada, madaxweynaha dowlad goboleedka hirshabeelle iyo golahiisa wasiirada oo shalay galinkii dambe ay soo gareen iyo madax kasocotay EU.
shirkaani ayaa waxaa goobjoog ka ahaa safiirka midowga yurub ee soomaaliya EU Abbassador Nicolas Berlanga, safiirka Swedish Ambassador Shaaffan Tillander iyo safiiro kale.
ugu horeentii Madaxweynaha KG mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa mahadcelin salaan iyo soo dhaweyn usoo jeediyay dhamaan masuulintii kasoo qeyb gashay shirkaani.
sidoo kale inta uu kulankaani uu socday ayaa waxaa looga hadlaayay arimo ay ka midka yihiin Amniga guud ee degaanadda labada dowlad goboleed oo sidii kooxda al shabaab looga safeyn lahaa, xasilinta degaanada, usameynta amni iyo qanuun waara, iskaashiga dhaqaale ee labada dowlad goboleed, hormarinta beeraha, sidii kanaalada biyaha loo sameyn lahaa, hormarinta xoolaha iyo daaqa, kaabiyaasha dhaqaalaha, wadooyinka isku xira labada dowlad goboleed, dib u heshiisinta, u helida xal waara dhamaan barkacyaash, xoojinta hay’adaha dowliga ah ee labada dowlad goboleed ee koonfur galbeed iyo hirshabeelle.
kulankaani ayaa waxaa uu bar bar socdaa kulamadii horey ay uyesheen labada madaxweyne ee KG Iyo Hirshabeelle oo ku saabsanaa xal uraadinta labada Dowlad Goboleed.

Radio Arlaadi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here