Wasaarada Shaqada KG Oo Sheegtay In Sanadkaan Degaanada KG Laga Fulin Doono Mashaarico Hormarineed.

0
287

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Wasiirka wasaarada shaqada iyo shaqaalaha dowlad goboleedka Kg Mudane Faysal Cabdulaahi Cali ayaa waxaa uu ka warbixiyay safar maalmihii lasoo dhaafay uu ku joogay dalka Itoobiya, waxaa uu sheegay in uu wasaarada shaqada iyo shaqaalaha itoobiya uu kala soo hadlay sidii labada wasaaradood wada shaqeyn u dhax mari laheyd iyo siyaasada dhanka shaqaaha.

Wasiirka ayaa tilmaamay in ka wasaarada shaqaalaha Kg guul weyn ay kasoo gaartay safarkii dalka itoobiya.

Wasiir Faysal Cabdulaahi Cali ayaa sheegay in safarkiisa itoobiya kulamo uu lasoo qaatay hay’ado kala duwan oo mashaariic ay ka fulin donaan degaanada koonfur galbeed inta lagu gudi jiro 2020 hay’adahaasi oo ay ka mid yihiin NIIDO’ UNDP iyo kuwo kale kuwaasi oo sameyn donaan shaqo abuur si shaqooyin ay u helaan dhalinyarada koonfur galbeed.

Wasiirka ayaa sheegay in sanadaan 2020 degaanada koonfur galbeed ay ka bilaawan donaan shaqooyin badan kuwaasi oo lagu hormarin doono degaanka iyo dhalinyarada.

Si loogu maarmo ku tiirshanaanshaha lacag shisheeyay iyo si loo dhiira galiyo dadka Kg ayaa wasiirka waxaa uu sheegay in wasaarada ay wado qorshiye ku aadan sidii loo heli lahaa shaqo abuur badan.

Radio Arlaadi:-Bishaar Mayow Muqtaar.