Gudoomiyaasha Xaafadaha Baydhabo oo bulshada ugu baaqeen in ay ka qeyb qaataan nadaafada degmada Baydhabo.

0
341

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kulan isbuucle ah oo ay iskugu imanayaan tobonka gudoomiye xafadeedka ee magalada baydhabo ayaa ayaa waxaa isbuucan waxaa looga hadlaayay wacyi galinta bulsho xafadeedka dardar galinta howlaha gudoomiyaasha iyo nadaafada magalada baydhabo.

Sidoo kale kulankaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa gudoomiyaha guud ee tobonka xaafadood Cabdiraxmaan farey waxaana uu kahadlay xaaladaha xaafadaha magalada baydhabo dhanka nadaafa’ wacyi galinta bulshada iyo wax yaabihii u qorsoomay maalmihii lasoo dhaafay.

Dhanka kale Cabdiraxmaan farey gudoomiyaha guud ee tobonka xaafadood ee magalada baydhabo ayaa waxaa uu sheegay in nuxurka kulankaani uu yahay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta kadhaxeysa gudoomiyaasha xaafadaha’ gudoomiyaasha laamaha iyo hooyooyinka laamaha taasi oo ka dhalan karta wada shaqeyn dhab ah.

Si loo dar dar galiyo nadaafada iyo deganaanshaha magaalada ayaa afayeenka tobonka xafadood ee magalada baydhabo Maxamed Aadan Cali ayaa waxaa uu sheegay in ay socdaan wacyi galin loo sameynaayo bulshada xaafadaha si ay ugu nogladaan ka qeyb qaadashada howlaha arimaha bulshada iyo in muhiim ay tahay in qof weliba ee kusugan magalada baydhabo in xil weyn uu kasaaran yahay amniga’ nadaafada’ lashaqeynta maamulka iyo deganaanshaha magaalada baydhabo si horeyba uu u sheegay gudoomiyaha maamulka degmada baydhabo Xasan Macalin Axmed Biikoole.

Radio Arlaadi:-Siid Ali Muuse Ateera