Wasaarada Beeraha KG Oo Sheegtay In Xal waara Laga Gaari Doono ayaxa Dhibaatada Ku Haaya Beeraha KG.

0
279

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Dadka beeralayda ah ee ku sugan degaanada koonfur galbeed gaar ahaneyd gobolada baay iyo bakool ayaa waxay quursi ay ka taagan yihiin dalagyadii ay abuurteen sanadkaani in uu qaarkood ay ku soo dageen ama ay ku habsadeen Ayax kaasi oo ladegay dalagyadii kala duwanaa.

Dadka ayaa sidii ay uga erin lahayeen beeraha ayaxa  waxay isticmalayaan wax yaabo kala duwan sida gadiidka, xabada iyo dhawaaqa gasaco la isku xiray.

Wasiirka beeraha iyo waraabka Kg Mustaf Ahmed Iidow ayaa waxaa uu sheegay in ay wadaan dadaalo ku aadan sidii looga hortagi lahaa ayaxaasi oo dhibaato ku haayo beeraha iyo dhul daaqsanka, wuxuuna tilmaamay in maalmaha soo socdaan xal waara laga gaari doono.

Warbixin ay soo gudbisay wasaarada beeraha iyo waraabka ayaa waxaa lagu sheegay in wasaarada ay diyaarisay doowo looga hortagaayo ayaxa oo aan dhibaato ugeysan doonin dadka iyo dalaga.

Sidoo kale wasiirka beeraha iyo waraabka Mustaf Ahmed Iidow ayaa waxaa uu booqan donaa gobolada uu gaaray ayaxaasi sida aan kaga soo  xiganay wasiirka warfaafinta iyo wacyi galinta bulshada koonfur galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed.

Radio Arlaadi:- Abdirahman Yusuf Hassan Soori.