Warbixin ku saabsan Maxamed Xasan oo Shaqa la,aan darteeda Baydhabo uga tagay.

0
274

Baydhabo (Radio Arlaadi)- Maxamed Xasan waxaa uu kamid yahay muruq maalatada magaalada baydhabo ku nool waaana daraawal kaxeeya gadiidka ka dhax shaqeyaan gudaha baydhabo, waa abbe leh xaas iyo caruur, waxaa uu sheegay in manta uu ku qanacsan yahay in isagoo jooga magaaladiisa in uu helay shaqo ku maareyo nolashiisa iyo mida qoyskiisa.

Maxamed 2009 ayaa waxaa uu shaqo ka doontay dalka keynya kadib markii uu shaqo uu qabto uu ka waayay magaalada baydhabo kadib markii uu nolasha ay ku adkaatay taasi oo keentay in uu usafaro dalka keyna oo aan kaga horeynin reer iyo asxaab.

Muruq maal Maxamed Xasan ayaa waxaa uu  kawarbixiyay sabaabta ku keliftay in uu dalkiisa ka tago shaqana u doonto dal kale, waxaana uu sheegay in ay adag tahay in si dareen leh loogu shaqeysan Karin dal aan dalkaaga aheyn.

Maxamed oo ah qof muruq maal ah hadana wax bartay ayaa in mudo ah markii uu kusoo nolaa dalka keynya ayaa waxaa uu gu’aansaday in uu dalkiisa soomaaliya dib ugu soo laabto, hase ahatee waxaa uu sheegay weli in dhalinyarada ku nool degaanadaan koonfur galbeed gaar ahaan magaalada baydhabo ay yihiin kuwo heysanin shaqooyin ku filan qaarkoodna derbiyada ay fadhiyaan,waxaa uu sheegay in uu naawilaayay sanado kadib in uu shaqo heli doono balse taasi ma aysan dhicin ee wuxuu go’aansaday in uu sii wato ka xeynta gaadiidka si nolashiisa wax ugu bedelo.

Radio Arlaadi:-Siid Ali Muuse Ateera