Dowladda Iran oo diiday in ay wareejiso sanduuqa madow ee keydiyay xogta diyaaradii burburtay.

0
228

Baydhabo (Radio Arlaadi)- Dowladda Iran ayaa sheegtay in sanduuqa madow ee keydiya xogta duulimaadka aysan ku wareejin doonin shirkadda diyaaradda sameysay iyo Dowladda Mareykankaba.

Diyaaradan oo ay ku dhinteen dhammaan dadkii saarnaa oo ay tiradoodu gaareyso 176 qof ayaa nooceedu ahaa Boeing 737-800, waxayna ku dhacday duleedka Magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iran, daqiiqado ka dib markii ay duushay.

Marka la eego shuruucda caalamka u degsan ee dhanka duulimaadyada ah, Iran waxay xaq u leedahay in ay hogaamiso baaritaannada ku aadan waxa sababay shilka diyaaradda.

Haseyeeshee shirkadda sameysay diyaaradda ayaa farsamo ahaan aanan looga maarmin in ay ku lug yeelato baaritaanka, maadaama dalal kooban oo caalamka ay aqoon u leeyihiin in ay baaritaanka sameeyaan.

Diyaaraddan oo ay leedahay shirkadda duulimaadyada ee Ukraine ayaa dhacday xilli ay taagneyd xiisadda u dhaxeysa dalalka Iran iyo Mareykanka, waxayna duushay saacado ka dib markii Iran ay gantaalo ku weerartay laba saldhig oo uu Mareykanka ku leeyahay gudaha dalka Ciraaq.

Illaa iyo hadda lama garanayo waxa sababay shilka diyaaradda iyo in ay la xiriirto xiisadda u dhaxeysa labada wadan.

Sida caadiga ah, guddiga Dowladda Mareykanka u qaabilsan badqabka gaadiidka ayaa inta badan ku lug yeesha baaritaanada caalamiga ah ee lagu sameeyo shilalka ku yimaada diyaaradaha ay sameyso shirkadda Boeing, balse guddigaas waa in uu la jaanqaadaa shuruucd dalalka ku lugta leh arrintan, fasaxna ay ka heystaan Dowladda dalkaas.

War qoraal ah oo lagu daabacay wakaaladda wararka ee taabacsan Dowladda Iran ee Mehr ayaa lagu sheegay in madaxa hey’adda duulimadyada rayidka ee Iran, Ali Abedzadeh uu sheegay in Iran aanay sanduuqa madow ku wareejin doonin shirkadda sameysay diyaaradda ee Boeing iyo Dowladda Mareykanka.

“Shilkan waxaa baari doona hey’adda duulimaadyada ee Iran, balse sidoo kale Dowladda Ukraine kaalin ayay ku yeelan kartaa,” ayuu yiri.

Wuxuu intaa raaciyay in illaa iyo haddaa aysan kala caddeyn dalka baaritaanka ku sameyn doona waxa sababay shilka diyaaradda, iyo shilkanna in uusan la xiriirin fal “argagixiso”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here