Olale Nadafadeed Oo Xaafadaha Qaar Ee Magalada Baydhabo Laga Bilaawey.

0
288

Baydhabo (Radio Arlaadi)- Maamulka Degmada Baydhabo, laamaha dowlada hoose ee Baydhabo iyo gudoomiyaasha tobanka xaafadood ee Degmada Baydhabo ayaa waxay kordhiyeen shaqooyinkii ay horey kaqabanayeen taasi oo ah soo celinta nadaafada iyo bilicda ay kawadeen xaafadaha iyo goobaha ganacsiga waa weyn ee Degmada Baydhabo.

Si loo dar dargaliyo awaamiirtii dhawaan kasoo baxday xafiiska gudoomiyaha Degmada Baydhabo Mudane Xasan Macalin Axmed (Biikoole) oo ay aheyd in maamulka Degmada Baydhabo lagala shageeyo hormarinta adeegyada bulshada, amniga iyo nadaafada guud ee Degmada, waxaana hada xaafadaha iyo suuqyada waa weyn ee Baydhabo laga bilaawey sidii looga aruurin lahaa qashinka iyo wax yaabaha ka dhalan karaan nadaafad darada.

Subaxii hore xaafadaha qaar iyo wadooyinka waxaad ku arkeysaa dad ku lebesan dareeska nadaafada kuwaasi oo gacanta kula jiraan howlaha nadaafada.

Wadooyinka xaafadaha qaar ee Degmada Baydhabo oo weli loogu sameynin dayactirka ayaa gudoomiye xaafadeedyada iyo dadka xaafadaha ayaa waxay wadaan buuxinta godadka biyo fariisanka ah iyo in qashinka laga xaabiyo xaafada.

Tani waxay qeyb ay ka tahay dib u soo celinta bilicada iyo nadaafada ee lagu doonaayo in lagu hormariyo Magaalada iyo xaruumaha loogu adeego bulshada Magalada Baydhabo.

Radio Arlaadi:- Maryan Macalin Abshir

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here