Caqabado noocee ah ayaa Dhalinyaradu ka heysataa dhanka siyaasadda Soomaaliya?

0
286

Baydhabo (Radio Arlaadi)- Soomaaliya oo ah wadan mudo dheer ku jirey deganaansho la’aan siyaasadeed, dagaalo, abaar waxbarasho la’aan iyo faya-dhowr xumo ayaa horseedey dhaqaale burbur muddo dheer ah taas oo saameyn daran ku yeelatey suuqa shaqada  iyo ka qeybgalka fursadaha siyaasada gaar ahaan dhalinyarada.

Dhalinyarada ayaa lagu tilmaamaa in ay yihiin lafdhabarka dalka, Ayadoo ay jirto fursad yari ku aadan shaqo la’aanta haysata dhalin yarada Soomaalieed iyo ka qeyb qaadashada siyaasada dalka ayaa hadana waxaa jiro waxoogaa yer oo horumar ah oo ay horseedey dhowr qodob oo is biirsadey.

Dhanka hanaanka siyaasada dalka mudooyinkaan dambe dhalinyaradu waxa ay la jaanqaadeen ka mid noqoshada maamulada jira wallow tirada ay yartahay.

Aadan Ali Mayow waa Wiil dhalinyaro ah ku nool magaalada baydhabo wuxuu u dhaq dhaqaaqaa arimaha dhalinyarada isagoo wareysi siineya Radio Arlaadi wuxuu ka warbixyey caqabadaha heysta dhalinyarada.

Dhanka kale wuxuu dhalinyarada fariin ugu diray in ay iscaawiyaan, waxbarashadana ku dadaalaan si lamid ahna ka shaqeeyaan hormarinta deegaanka.

Radio Arlaadi:- Abdirahman Yusuf Hassan Soori