Qaar ka mid ah Beeraleyda ku nool deegaanada KG oo ka rajo dhigeen dalaqyadii ay beerteen sanadkaaan.

0
274

Baydhabo (Radio Arlaadi)- Tani waa hadal heynta ugu badan ee dadku ay hadal heyaan gaar ahaan reer miyga oo u badan beeraley, maadaama saameynta ugu badan ay iyaga u geysatay kadib Markii hal mar la arkay ayax gebi ahaanba beerihii sanadkaan lagu dadaaleyey si loogu faaideysto uu eber ka dhigay. Dadka ku noo Deegaanada uu gaaray ayaa waxa ay inta badan ku dadaaleen sidii ay uga bixin lahaayeen deegaankooda, qaar ayaa u adeegsaday xeelado ay ka mid yihiin qeylo, dablashiday, iyo xabado, sidoo kale waxa ay sameeyeen quraan aqris oo Alle lagu barineyey.

Ibraahim Maxamed Nuur waa gudoomiyaha deegaanka Awdiinle ee gobalka baay tan iyo markii degaanka lagu arkay ayaxa wuxuu bulshada fariin ugu diray iney isdejiyaan, Allena loo towbad keeno.

Dhanka kale wuxuu baaq u diray dowlada koonfur galbeed in la caawiyo dadka maadaama beerahooda musiibo ku habsatay.

Sanadkan wuxuu ahaa sanad ay beeraleyda raja fiican ka muujiyeen dalaqyadii kala duwanaa oo ay beerteen maadaama kii hore ka duwanaa kan balse waxaa si lama filaan ah loo arkay weerarka ayaxa oo natiija beel ku ridey beeraleyda soomaaliyeed.

Radio Arlaadi:- Abdirahman Yusuf Hassan