Laamaha Amniga KGS oo Awaamir ka soo saarey Ciidamada habeenkii hubka sharci darada ku rida iyo kuwa isticmaala Maandooriyaha.

0
302

Baydhabo (Radio Arlaadi)- Waxaa magaalada baydhabo ee xaruunta gobalka baay lagu qabtey Shir ay isugu yimaadeen laamaha Amniga degaanada konfur galbeed soomaaliya , waxana shirkan shir gudoominayey  wasiiraka wasaarada  Aminga  gudaaha dowlad goboleedka koonfur galbeed somaaliya Mudane  Isaaq Ali subag.

Waxaana  ka soo qeyb galey  taliyo ku xigeenka  ciidanka xooga qeybta lixdanaad ,taliyaha ciidaanka daraawiishta  koonfur galbeed somaliya  iyo taliyaha booliska koonfur galbeed somaliya  iyo saarakiil kale.

Shirkan inta uu socday waxaa loogu hadlay xoojinta amaanka bulshada iyo dalka, waxyaabaha laga soo saarey ayaa waxaa ka mid ahaa  Awaamiirta  ciidanka isticmaalo  daroogada iyo weliba kuwa ciyaara qamaarka.

Wasiirka  wasaarada Amniga koonfur galbeed somaliya mudane Isaaq Ali Subag  ayaa uga horeen la hadley warbahinta waxaa uuna ka warbixiyey wax yaabaha laga soo saarey shirkan inta uu socodey.

Radio Arlaadi:- Maryan Macalin Abshir