Waa Maxay Daryeelka looga baahan yahay Hooyada Uurka leh?

0
477

Baydhabo (Radio Arlaadi)- Hooyada uurka leh waxay u nugushahay cudur waliba  waxaana muhiim ah in marka ugu horeeyso ay hooyada dhakhtarka utagto intey uurka leedahay waxeyna taasi tahay daryelka hooyada.

Inta ay uurka leedahay Hooyada waxaa sidoo kale ku dhici karo  infacationka  kaasi oo u baahan in laga hortago iyadoona qaadaneysa Talaalka si ay uga badbaado cudura farbadan oo xiligaasi uurka jira u nugushahay.

Dr Cabadiqaadir cabdi xasan oo  ka mid ah  dhakhaatiirta magaalada baydhabo oo marti ku ahaa Barnaamijka Caafimaadka ee radio Arlaadi ayaa bulshada u sharaxay daryeelka looga baahan yahay hooyada uurka leh.

Dhanka kale wuxuu baaq u direy Dr faaney bulshada  ku dhaqan magaalada baydhabo si ay  ugu  dadaalaan nadaafad deegaan iyo tan shaqsiyadeed iyo weliba  hooyooyinka uurka leh  in ay isticmaalaan cunooyinka wax u tara.

Radio Arlaadi:- Raxma Salaad Abdullahi