Hooyo dhibaateysan oo shacabka soomaaliyeed ka dalbatay In gargaar lala soo gaaro.

0
289

Baydhabo (Radio Arlaadi)- Hooyo aamino oo da’ ah, waxayna ku nooshahay degmada buur-hakaba ee gobolka baay xiligaani waxay ku nooshahay nolal adag, waxayna u baahan tahay in gacan laga siyo sidii looga saari lahaa dhibaatada manta ay kujirto.

Waa kaligeeda ifka uma jogaan caruur iyo wehel kale oo ay fiirsanayso waxay ku jirtaa guri ka kooban hal qol oo si aad ah u sameyeen roobabkii ugu dambeyeen ee ka curteen gobolka baay gaar ahaan degmada buur-hakaba, qeybo kamid ah qolkeeda dayactir la’aan ayaa waxay yihiin kuwo dulduleelsan taasi oo ka dhalatay in ay ugu soo galaan biyo mudo maalmo ahna halkaasi ay fadhiyeen.

Hooyo aamino Ayaan awoodin in ay dhisato gurigeeda iska daa ee waxaan heysan raashiin sedaxda waqti ay cunto.

Si ay wax iska bedesho nolasha aadka u liidata ee maanta kujirta  hooyo aamino ayaa waxay fursad u heshay in ay lahadasho qofkasta oo manta wax u qaban kara ayaa waxay ka codsatay in loo dhiso gurigeeda ay ku nooshahay iyo in laga caawiyo rashiinkii ay cuni laheyd sedaxda waqti.

Radio Arlaadi:- Siid Ali Muuse Ateera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here