Kulan dhaqaale aruurin loogu sameynayey dhismaha Xarunta Maxkamadaha degmada xudur ee gobolka bakool OO lagu qabtey magaalada baydhabo

0
265

Baydhabo (Radio Arlaadi) Kulan dhaqaale aruurin loogu sameynayey dhismaha Xarunta Maxkamadaha degmada xudur ee gobolka bakool ayaa lagu qabtey magaalada baydhabo

Kulanka oo ay kasoo qeyb galeen wasiiro Agaasimayaal ka socdey wasaaradaha dowlad goboleedka konfur galbed ganacsato iyo marti sharaf kale ayaa waxa ay ku aruuriyeen lacago loogu talo galay dhismaha Xarunta maxakamada degmada xudur ee gobolka bakool

Gudiga gacanta ku haya dhismaha maxkamada degmada xudur ayaa ka sheekeeyey halka ay wax umarayaan waxyaabihii usoo qabsoomey iyo waxa u haray Martidii iyo masuuliyiintii kasoo qeyb gashey munaasbaada ayaa siyaabo kala duwan dhankooda uga qeyb qaatey tabarucaada dhismaha maxkamada degmada xudur iyagoo gudiga ku amaaney howsha adag ee ay xiligaan uhayaan bulshada,

Waxaa meel wanagsan maraya dhismaha wajiga koowaad ee xarunta Maxkamadaha Degmada xudur iyadoo bulshada degmadas ku dhaqan ay sameeyeen qaaraan aruurin xoogan si loo helo Adeeg garsoor.

@Abdirahman Yusuf Hassan:- Radio Arlaadi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here