Manchester United Oo LIX Ciyaartoy Oo Muhiim Ah Ka Maqnaan Doonaan Kulanka Wolves Ee Sabtida

0
428
MANCHESTER, ENGLAND - NOVEMBER 10: Marcus Rashford of Manchester United celebrates scoring their third goal during the Premier League match between Manchester United and Brighton & Hove Albion at Old Trafford on November 10, 2019 in Manchester, United Kingdom. (Photo by Ash Donelon/Manchester United via Getty Images)

Manchester United ayaa waayi doonta adeegga lix ka mid ah xiddigaheeda kulanka muhiimka ah ee ay Sabtida la ciyaari doonaan kooxda Wolves.

United ayaa u tegi doonta kooxda dhibka badan ee Wolves oo ay isku haleeli doonaan wareegga 3aad ee FA Cup, waxaana tababare Solskjaer uu la dhibaatoon doonaa inuu xal u helo liiska dheer ee dhaawacyada kooxdiisa, kuwaas  oo aan wax fursad ah u heli doonin inay kulankan soo xaadiraaan.

Tababare Solskjaer ayaa waxa uu sheegay in Pogba uu marayo qallin oo uu muddo hal bil ah ka maqnaan doono garoomada, sidaas oo kalena muddo laba bilood ah aanay kooxdiisu ku xisaabtami doonin Scott McTominay, hase yeeshee ay dhaawacyadu intaa kasii tiro badan yihiin.

United oo ogsoon in aanay fududayn in ay guul kala soo laabto Molineux, waxa kale oo ka maqnaan doona laacibiin da’yar ah oo uu kulamada noocan oo kale dheelsiin karayay tababare Solskjaer.

“Paul wuu maqan yahay, Axel Tuanzebe, Eric Bailly iyo Tim Fosu-Mensah waxay ku dhow yihiin inay soo laabtaan, laakiin diyaar maaha.” Sidaas waxa yidhi tababare Solskjaer oo caddeeyey in afartan ciyaartoy aanay wax fursad ah u haysanin kulankan.

Tababaruhu waxa kale oo uu qiray in Scott McTominay uu isagu muddo dheer maqnaan doono, halka Marcos Rojo uu xanuunsanayo oo aanu safan karin kulankan.

Si kastaba ha ahaatee, Manchester United oo aan wax rajo ah ka qabin horyaalka Premier League ayaa hammeedu yahay in ay tartamada yaryar awoodda saarto, sida FA Cup, Carabao Cup iyo Europa League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here