Wasiirka Gadiidka KG Oo Kahadlay Hormarada Laga Gaaray Dhismooyinka Garoomada Diyaaradaha KG.

0
284

Baydhabo (Radio Arlaadi) Wasaarada gadiidka cirka iyo dhuulka ee  koonfur galbeed mudada sanadka aheyd ee uu hogaanka u haayay madaxwene Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa waxa ay garoomada  degmooyinka qaar ee gobolada koonfur galbeed ay ka qabatay howlo muhiim ah ama lagu hormarinaayo taasi oo loola dan leeyahay in ay u shaqeyaan kuwa caalamiga ah ee ku yalaan magaalooyinka kale ee dalka.

Wasiirka wasaarada gadiidka cirka iyo dhuulka dowlad goboleedka Kg Xasan Xuseen Maxamed (Eelay) tan iyo markii loo magacaabay wasaarada ayaa waxaa uu booqasho uu ku tagay degmooyinka qaar ee Kg si uu usoo qimeeyo habka ay u shaqeyaan garoomadaasi iyo wax yaabaha ay u baahan yihiin si loo dar dar galiyo howlaha uu qabanaayo garoonka.

Garoomada uu kormeerka uu ku tagay wasiirka ayaa waxaa ka mid ah Baraawe’ diinsoor’ waajid’ berdaale iyo kan degmada xudur oo qaarkood kasoo hirgaliyay dhismooyin cusub iyo kuwa kale oo si loo dhiso qorshahooda hada uu socdoo.

Wasiir Xasan Xuseen (Eelay) ayaa waxaa uu sheegay in qorshaha wasaarada ay tahay sidii loo hormarin lahaa dhamaan garoomada diyaaradaha ee gobolada Kg si hrmaro loogu gaaro dhanka iyo duulista hawada.

Wasiirka ayaa sheegay qof weliba uu ku abtirsado degaanada koonfur galbeed in looga baahan yahay in uu gacan weyn uu ka geysto sidii loo hormarun lahaa garoomada diyaaradaha ee degaanadaaan, wasiirka ayaa hadalkiisa ku daran waana dhiira galiyay maamulada iyo shacabka qaar ee degmooyinka gobolada baay iyo bakool sida isxilqaanka ah oo ay ku dhisanayaan garoomadooda taasi oo wasiirka ku sheegay in ka wasaarad ahaana ay gacan weyn ku siin doonaan arintaasi.

Ugu dambeytii Wasiirka wasaarada gadiidka cirka iyo dhuulka dowlad goboleedka Kg Xasan Xuseen Maxamed (Eelay) ayaa waxaa uu sheegay in dhismaha taabarka garoonka diyaaradaha ee magalada baydhabo shaati gaduud uu maraayo meel dhamaad ah dhawaana xaraga ay ka jarin donaan kadib markii uu dhamaado dhismo kale oo ay hada ka bilaweeyn wadada isku xirta garoonka ilaa iyo magalada sida uu sheegay Wasiirka wasaarada gadiidka cirka iyo dhuulka dowlad goboleedka Kg Xasan Xuseen Maxamed (Eelay).

@Siid Ali Muuse Ateera:- Radio Arlaadi