Dhageyso:- Agaasimaha DDR KG Oo Kormeeray Maxkamada Gobolka Bakool.

0
569

Agaasimaha dhaqan celinta koonfur galbeed soomaaliya Ilyaas Cali Nuur oo ay wehliyaan maamulka gobolka bakool, midka degmada xudur qaar kamid ah gudiga isxilqaan dhismaha  maxkamada sare ee gobolka bakool ayaa waxay kormeer ay ku sameyeen dhismaha ay ka kooban tahay madaxmadaasi, iyadoo ay mareyso qeybihii ugu horeeysay.

Agaasimaha oo mid mid ugalay qolalka ay ku kooban yihiin maxkamada gobolka bakool ayaa waxaa uu sheegay in midaani ay tahay mid lagu faano mudo kanado ah kadib in shacabka iyo maamulka gobolka bakool ay si isxilqaan ah ay ku dhistaan meel lagu goyn doono sharciga iyo cid weliba oo dembi kagalaa shacabka ku nool gobolka bakool.

Ilyaas Cali ayaa waxaa uu sheegay in tani ay ka mid tahay waxqabadka KG madaama ay bilaween Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed iyo Wasiirka Caddaalada Iyo Garsoorka dhismahaan in lagu dhiso si isxilqaan ah, ayaasimaha ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in uu kaalintiisa ee kaga aadan dhismaha maxkamadaani uu ka qaadan doono.

Halka Hoose Ka Dhageyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here