Madixii shirkadda diyaarada Boeing oo shaqada laga eryay

0
463

Shirkadda sameysa diyaaradaha ee saldhigeedu yahay dalka Mareykanka ee Boeng ayaa shaqada ka eriday madaxa shirkaddaasi, Dennis Muilenburg, si loo badbaadiyo sumcadda shirkaddaasi ka dib markii laba jeer oo ay burburtay nooc ka mid ah diyaaradaha ay shirkaddaasi sameyso ee 737 Max.

In kabadan 340 qof ayaa shilalkaasi ku dhintay, waxaana shilalkaasi ka dhashay shaki ah in ay jirto cillad weyn oo haysata nooca diyaaraddaasi, waxaana shirkaddaasi lagu eedeeyay in ay faa’iidadeeda ganacsi ka doorbidday badqabka dadka isticmaala diyaaradaha ay sameyso.

Qoysaska dadkii ku dhintay shilalkaasi ayaa soo dhaweeyay in shaqada laga eryo Muilenberg balse waxa ay durbaba shaki ka muujiyeen ninka lagu baddalay oo muddo dheer isna ka tirsanaan jiray maamulka sare ee shirkaddaasi.

Shirkaddaasi Boeing ayaa baaritaanno iyo cadaadis ba’an la kulmeysay tan iyo markii laba diyaaradood oo ah nooca 737 Max ay burbureen muddo shan bilood gudahood ah, kuwaa oo ku kala burburay waddamada Induniisiya iyo Itoobiya.

Isticmaalka diyaaradaha nooca 737 Max ay markiiba la hakiyay dunida oo dhan.

Dhammaadkii bishii Septembar ee sanadkan, baaritaan la sameeyay ka dib waxaa lagu ogaaday in diyaaradaha nooca Boing 737-ng lagu arkay dildillaac qaybaha sare ee diyaaraddaasi.

Marki uu warkaasi soo if baxay wixi ka dambeeyey wakaaladda ammaanka diyaaradaha u qabilsan dalka Mareykanka ayaa amar ku bixisay in diyaaradaha noocoodu yahay Boing 737-ng baaritaanno degdeg ah lagu sameeyo.

Wakaaladda dalka Mareykanka u qaabilsan dabagalka duullimaadyada ayaa sheegtay “diyaarado in mudda ah shaqeynayey marki la damcay in dib u habeyn lagu sameeyo in lagu arkay dildillaac ku yimid jambiga kore ee diyaaradaha”.

Diyaarado dhawr ah oo baaritaanno kaa la mid ah lagu sameeyey waxaa iyaguna lagu arkay calaamadaha dillaaca oo la mid ah kuwilagu arkay diyaaradahi hore oo baaritaanka lagu sameeyey.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here