Dhageyso:- Warbixin ku saabsan Sidee ayaa dib loogu soo celin karaa bilicda iyo nadaafada Degmada Baydhabo.

0
294

Nadaafada waxaa loogu baahan yahay caafimaadka jirka iyo raaxada ruuxda. Sida culumada caafimaadku sheegaan nadaafad la’aantu waxay keentaa cuduro badan oo kala duwan. Haddii ay timaado cudurada ka dhasha nadaafad la’aantu waxay keenayaan khasaare badan oo nafta iyo dhaqaalahaba isugu jira. Hadii qofka jirkiisa, dharkiisa iyo gurigiisu nadaafad leeyihiin, jirkiisuna caafimaad ayuu dareemaa

Nadaafadu waa dhaqan iyo tarbiyo la barto. Haddii uusan qofku arag dhaqan ficil ah oo ku saabsan nadaafada, isla markaasna aan lagu tababarin marka uu yar yahay, kuma baraarugi karo kaliga muhimada nadaafada. Tacliinta iyo baraarujinta ku saabsan nadaafada iyo macluumka caafimaadku waxay dadka ku abuuraan dareen ay isaga ilaalinayaan khatarta kadhalan karta nadaafad xumada.

Magaalada Baydhabo ee xaruunta Gobalka Baay ayaa waxa ay  qaar ka mid ah dhalinyaradeedu waxay qabteen dood ku saabsan side ayaa dib loogu soo celin karaa bilicda iyo nadaafada degmada baydhabo, waxeyna qeybaha kala duwan ee bulshada fariin ugu direen in meel loogu soo wada jeesto nadaafada deegaanka si baydhabo ay u noqoto meel qurxoon oo nadaafad leh.

Doodaan iyo kuwa kale oo ay dhalinyaradu fikirkooda ku soo bandhigaan ayaa horseedi kara in laga shaqeeyo hormarinta deegaanka iyo nadaafadiisa taasi oo masuuliyad ka saran tahay dhamaanteena