SAWIRO:- Wafdi ka socda Somaliland oo Muqdisho soo gaaray

0
284

Waftigii Somaliland ee sida gargaarka Baladweyne ayaa Muqdisho gaadhay goordhaweyd. Waxaa soo dhaweeyay wasirro iyo xildhibaano ka tirsan dawladda federaalka Soomaaliya.

Wafdi ka yimid Hargeysa ayaa waxa uu sidaa gurmad dhan $600,000 oo lagu gargaarayo dadka fatahaaduhu saameeyeen ayaa lagu soo dhoweeyay Muqdisho ka dib markii Saakay ay kasoo ambabaxeen Hargeysa.
Deeqda ay waddaan Wafdiggaan ayaa waxaa soo aruuriyay qaar ka mid ah Shacabka iyo Culimadda degaanada maamulka Somaliland.

Xubnaha ka socda Somaliland ayaa sheegeen in ay wadaan lacag ka badan lix boqol oo kun oo dollar (600,000$) oo ay ugu talo-galeen fatahaadihii sannadkan ku dhuftay magaalada Baladweyne. Weftiga waxaa ka mid ah Sheekh Maxamed Cali Geeddi oo horeyna uga mid ahaa waftigii ay Somaliland u dirtay Muqdisho wakhtigii ay abaaruhu ku dhufteen koonfurta Soomaaliya.