Dhageyso:- Wasaradda gargaarka Maareynta iyo masiiboyinka KGS oo Baydhabo ku qabatey kullan dood waadaag ah oo looga hadleyay Siyaadada lagu dhaqo barakaciyaasha Baydhabo.

0
261

Kulankan ayaa waxaa soo qaban qabaisay Wasaradda gar gaarka Maareynta iyo Masiiboyinka Dowlad Goboleedka KGS kaasi oo ka dhacay  Baydhabo wuxuuna ahaa kullan dood waadaag ah oo looga hadleyay Siyaadadda lagu dhaqo barakaciyaasha Baydhabo.

Diiwaan gelin ay sameysay Wasaradda Gar gaarka Maareynta iyo Masiibooyinka Dowad Goboleedka KGS ,ayaa Lagu sheegay in Baydhabo ay ku yaalaan in ka badan 435 –Xero Barakac ah ,

Kullanka  ayaa looga hadlaayay Arrimaha halka waraa iyo siyaasadda udegsan Barakaciyaasha,waxaana kullanka inta badan aad looga doodey Arrimaha siyaasada Barakaciyaasha ,Ladhaqankooda ,Xuquuqda Dowlada ay ku leeyihiin , kaa oo ay soo qaban qaabisey wasaradda Gar gaarka Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka KGS.

Waxana Kullanka ka soo qeyb galey Qaar ka Mid ah Barakacyaasha Baydhabo.

Abdulkaadir Sheekh Ali Baraka Wasiir kuxigeenka wasaradda gar gaarka Maareynta Iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka KGS ayaa Kullanka si rasmi ah usoo xirey wuxuuna sheegay in Baydhabo Barakaciyaal badan ay joogaan kuwaas oo ubaahan dib udajin ,Caafimaad waxbarasho, si hal waara loogu xelo Barakaciyaasha Deeganada KGS .