Dhageyso:- Gudiga Dhismaha Masjid Jaamac ee Degmada Xudur oo kulan la qaatay Xildhibaano Golaha Shacabka ka socda.

0
316

Wafdi uu hogaaminaayey Gudoomiyii hore ee Baarlamanka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoowe) ayaa waxey booqasha ku tageen dhismaha masjid jaamac ee degmada xudur ee xarunta gobalka bakool oo weli sii socota dhismaha masjidka, Waxaana sidoo kale uu kulan la qaatay gudiga dhismaha masjidka jaamaca ee magaalada Xudur.

Kulan kadib ayaa waxaa ugu horeyntii warbaahinta ugu warbixyey dhismaha masjidka meesha uu mareyo Sheikh Xuseen oo ka mid ah xubnaha gudiga dhismaha masjidka isagoona sheegey in waxbadan ay ka dhiman yihiin dhameystirka dhismaha masjidka oo mudo socday.

Dhanka kale Xildhibaan Aadan Madoowe ayaa gudiga ugu mahadceliyey sida ay howsha u wadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here