SAWIRO:-Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Waajid ee Gobalka Bakool.

0
451

Madxweynaha Dowladda Koonfur galbeed Somaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen  ayaa maanta waxa uu gaarey degmada waajid ee gobalka bakool, wuxuuna Boqolaal Shacabka Degmada Waajid ee gobalka Bakool Kula hadley Faqaaro ay isugu yimaadeen.

Wafdiga oo ka ambabaxay Magaalada Baydhabo ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha waajid kusoo dhaweeyey Xildhibaano iyo Wasiiro katirsan koonfur Galbeed oo Waajid shalay gaaray iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada degmadaas. Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa qeyb ka ah xildhibaano laga soo doortay degmadaasi iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan koonfur galbeed soomaaliya

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Waajid u tegay  sidii uu ugu kuurgeli lahaa xaalada dadka ku nool degmadaas iyo baahiyaha kala duwan oo ay qabaan bulshada degmada iyo deegaanada hoos yimaada.

Sidoo kale waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa,Mamaulka degmada iyo Odayaasha dhaqanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here