Dhageyso:-Gudoonka Ururka Haweenka Gobalka Bakool oo fariin u dirtay Odeyaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed.

0
433

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Bakool Faadumo Samaan Maxamed ayaa Odayaasha dhaqanka KGS uga digtay inaysan ku xad gudbin qoondada haweenka ay lee yihiin waxeyna sidoo kale haweenka ugu baaqdey in ay isgarab qabtaan, isna soo jiitaan si ay isku hormariyeen.

Dhanka kale waxey wasaarada haweenka arimaha qoyska iyo xuquuqul insaanka koonfur galbeed ka codsatay in tawabaro badan la siiyo haweenka gobalka bakool, iyadoona sheegtay in haweenka degmooyinka gobalka baool ay wada joogaan degmada xudur maadaama degmooyinka qaar ay go,doonsan yihiin.

Maamulka koonfur galbeed ayaa lagu wadaa in la soo dhiso xildhibaanada baarlamanka koonfur galbeed waxeyna haweenka guud ahaan ay wadaan dadaalo ay ku dooneyaan in golaha wakiilada ay ka soo muuqdaan haween badan si ay iguna doorkooda bulsho matelida u qaataan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here