Dhageyso:-Maamulka Gobolka Bakool Oo Kur Meeray Degaanada Ay Sameyeen Roobabkii Ku Da’ay Gobolkaasi

0
316

Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tol ayaa ka warbixinaya Roobabka daadadka wata oo ku da’ay Gobolka Bakool xili uu booqasho ku tagay meelaha biyaha dad ku saameeyeen isagoona tagay ilaa iyo deegaano dhowr ah oo xudur hoos yimaada. Wuxuuna warbaahinta u sheegay in goobaha biyaha galay ay fara badan yihiin, una baahan yihiin in wax laga qabto, wuxuuna dowlada koonfur galbeed iyo tan dowlada dhexe baaq ugu direy in gobalka bakool meel ka mid ah ay ka jiraan daadadka biyaha sidaa darteedana gargaar loola soo gaaro dadka uu saameynta ku yeeshay.

Dhanka kale gudoomiyaha ayaa sheegy in ganacsiga magaalada uu hakad ku imaadaay tan iyo xiligii roobabka ka da,een gobalka bakool, wadooyinkana ay noqdeen kuwa biyo fadhiistay.