Dhageyso:-Kumanaan barakacayaal ah oo Biyaha roobka ugu galeen xeriyahooda Ee Ku yalaan Magalada Baydhabo

0
353

Kumannaan qoys oo degganaa xeryaha dadka barakacay ee magaalada Baydbabo ayay si toos ah u saameyeen roobab lixaad leh oo ilaa tobankii Oktoobar ka da’ayay Baydhabo iyo nawaaxigeeda. Xeryaha qaar ayaa dib looga barakacay, qaar kalena biyaha ayaa gudaha u galay aqallada iyadoo weli aysan dadku ka bixin.

Xeryaha barakaca ee dhibaatadu saamaysay ayaa ku yiilay dhul hoose oo dhaca jihooyinka Bariga iyo koonfurta Baydhabo, dadka aqallooda ka tegay ayaa dulsaar ku noqday barakacayaal kale oo degan dhul taag ah oo isla xeryahaas ka tirsan. waxeyna dadkaasi ka warbixyeen dhibaatada heysata.