Dhageyso:-Dhalinyarada Degmada Qansax Dheere Oo Wasaarada DKG Ka Codsadeen Garoomo

0
331

Degmada Qansac dheere ee Gobalka waxey ka mid tahay degmooyinka go,doonsan ee koonfur galbeed,waxaana dadka deegaanka ay yihiin kuwa aan heysan adeegyada bulshada qaarkood taasi oo saameysay sida dhalinyarada oo kale.

Qaar ka mid ah dhalinyarada ku nool Degmada Qansac dheere ee Gobalka Baay ayaa waxey si wada jir ah baaq ugu direen wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlad gobaleedka koonfur galbeed iyagoona sheegey in aysan heysan garoomo ay ku ciyaaraan kubada, waxeyna dalbadeen in loo dhiso garoomo ay ku ciyaaraan si ay u soo bandhigaan qaab ciyaareedkooda.