Dhageyso:-Aqoon isweydaarsi ku saabsan doorka haweenka ee ka qayb galka siyaasadda OO lagu qabtay degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

0
254

Tawabarkan looga hadlaayey doorka haweenka ka qeyb galka siyaasada, fursadaha shaqo ee haweenku ay helaan iyo tacdiyadaha ka dhanka ah baniaadanimada ayaa waxaa ka soo qeyb galeen ururada haweenka iyo odeyaasha dhaqanka ee degmada xudur, waxaana soo qaban qaabisey wasaarada haweenka arimaha qoyska iyo  hormarinta xuquuqul insaanka ee dowlad gobaleedka koonfur galbeed soomaaliya.

Ugu Horeyn waxaa tawabarka ka hadashay gudoomiyaha ururka haweenka gobalka bakool faadumo samaan maxamed iyadoona sheegtay in ay u taagan yihiin marweliba sidii xaqooda u heli lahaayeen.

Dhanka kale Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka baay Muraayo ibraahim maxamed waxeyna tawabarka wakiil uga tahay wasaarada haweenka koonfur galbeed, waxeyna haweenka gobalka bakool ku dhiiragelisay in ay xuquuqdooda raadsadaan.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Degmada Xudur ee xaruunta gobalka bakool  Maxamed Macalin Axmed oo tawabarka u furey ayaa wasaarada ugu mahadceliyey sida ay haweenka u dhiirageineysa meel kasta ay joogaan.

Tawabarkaan oo mudo laba maalin soconeya ayaa degmada xudur loogu qabtay haweenka iyo odeyaasha dhaqanka degmadaasi iyagoona halkaasi ay isku weydiiyeen su,aalo kala duwan oo ay dumarku kaga hadleyeen sidii ay siyaasada uga qeyb gali lahaayeen si odeyaasha ay garab ugu siiyaan.