Dhageyso:-Arday ka aflaxday Dugsiga Quraanka Kariimka ee Imaamu-shaafici ee degmada Xudur oo la guddoonsiiyay abaalmarino.

0
404

Xaflad si aad ah loo soo agaasimey ayaa hadiyo kala duwan lagu gudoonsiiyey ilaa 30ardey oo 7 ka mid ah ay yihiin gabdho kuwaasi oo la baray xifdinta quraanka kariimka, axaadiis iyo naxwaha Carabiga,ayna ka barteen Madarasada Imaamu Shaafici ee magaalada xudur Waxaa ka soo qeyb galay culimaaudiinka Ahlusuna waljamaaca maamulka degmada kan gobalka bakool bahda waxbarashada iyo waaladiin .

Maamulaha Dugsiga Imaamu Shaafici Sheikh Axmed Sheikh ibraahim ayaa ugu horeyn ka sheekeeyey madarasadaan tan iyo xiligii la,aas aasey iyo ardeydii wax ka barteen.qaar ka mid ah waaladiinta iyo dadkii ka soo qeyb galay xaflada ayaa maamulka  iyo macalamiinta dugsiga ku amaaney waxbarida caruurtan.

sidoo kale culamadii ka soo qeybgashay ayaa ardeyda u duceysay kulana dardaarameen in ay ku dadaalaan xifdinta iyo aqrinta joogtada ah ee quraanka. Ugu dambeyntii Gudoonka Waxbarashada iyo maamulka degmada ayaa dhankooda sheegeen  in ay ku faraxsan yihiin xafladan sidoo kalena ay dardargelin doonaan dugsiyada quraanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here