Dhageyso:-Odeyaashii Ceelberde U jogeen Dhaxdhaxaadinta arimaha degaanka oo degmada xudur lagu soo dhaweeyey.

0
297

Waxaa magaalada Xudur ee xaruunta Gobalka Bakool lagu soo dhaweeyey Odeyaasha Dhaqanka oo dib ugu soo laabtay xudur kaidb mudo ka badan 4 bilood oo ay ku sugnaayeen degmada ceelberde ee gobalka bakool oo lagu wadey in laga dhiso maamul gole deegaan. Waxaana garoonka ku soo dhaweeyey Ururada Bulshada Degmada Xudur maamulka degmada iyo Kan Gobalka Bakool.

Ugu horeyntii ayaa goobtaasi ka hadlay Gudoomiyaha degmada xudur Mohamed Macalin iyo gudoomiye ku xigeenka gobalka bakool abdullahi maxamed nuur isneek.

Odeyaasha ayaa dhankooda ka madceliyey soo dhaweynta loo sameeyey waxeyna sheegeen in ay ku faraxsan yihiin howlaha ay ku maqnaayeen. Odeyaasha ayaa mudadii ay ku sugnaayeen  degmada ceelberde waxey qabteen kulamo wadatashi oo beelaha wada deg degmadaasi lagu nabadeyneyey.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here