Dhageyso:-Dusiga sare ee Degmada Xudur Oo La gaarsiyay Agab Ay Wax Ku Baran Doonaan Ardeyda Dugsigaasi.

0
310

Waxaa Dugsiga Sare ee Demada Xudur EE gobalka bakool la soo gaarsiiyey  projecter oo ah mid si muuqaal ah ardeyda wax lagu baro kuwaasi oo ay ku qaadaneyaan maadooyinka qaar si baraatiko ah waxaana iskuulka ugu soo deeqey gabar ka soo jeeda gobalka bakool Muna Yussuf Sakiin .

Ciise bute oo wakiil ka ahaa muna ayaa ku wareejiyey iskuulka projectarkaasi isagoona ku wareejiyey bahda waxbarashada ee gobalka bakool.

Gudoonka waxbarashada ee gobalka bakool Abduqaadir Nuur Cadow iyo kormeeraha waxbarashada gobalka bakool abdullahi aadan cali ayaa aad ugu mahadceliyeen Muna oo ah gabdha soo dhiibtay projectigaasi.

Ugu dambeyntii Maamulaha Dugsiga sare ee xudur ayaa dhankiisa sheegey in uu ku faraxsan yahay.

Dugsiga xudur oo dib loo bilaawey waxbarashadiisa tan iyo burburkii dalka ayaa ah mid muhiimad gaar ah u leeyahay dadka deegaankaasi maadaama waxbarashada dugsiga sare meelo kale loogu aadi jirey.