Dhageyso:-Wabiga oo ka fatahay Xaafado katirsan Baladweyne

0
423

Wabiga Shabeelle ayaa waxaa uu fatahaad hor leh ka sameeyey xaafado katirsan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyada oo dadka qaarkood ay barakaceen.

Fatahaada uu sameeyey Wabiga Shabeelle ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay Ganacsatada  qaarkood sida ay sheegeen, iyada oo  hoos u dhac uu ku yimid Ganacsigooda.

Muumin Maxamed Miciyay oo ka mid ah Ganacsatada Xaafada Xaawo Taako ee Magaalada Baladweyne ayaa sheegay in Ganacsigooda uu saameyn ku yeeshay fatahadaa, kadib markii ay barakaceen dadkii ay wax ka iibsan lahaayeen.

Waxa uu sheegay in Ganacsatada qaarkood ay haatan qorsheynayaan inay aadaan dhinaca deegaanka Ceel-Jaale,halkaas oo badi dadkii ka barakacay Baladweyne ay ku sugan yihiin.

Halkan Hoose Ka Dhageyso