Dhageyso:-Barakaciyaasha dhowaan soo gaarey baydhabo oo Sameyeen Robaabkii maalmahaani da’ayeen.

0
309

Xili ay bilaawdeen Roobabkii Deerta, ee  fasalkaan oo maalmihii la soo dhaafayna si fiican uga da’ay Baydhabo, ayaa durba waxaa  soo ifbaxaya sameynta uu ku yeeshay barkacyaasha degan duleedka Baydhabo, kuwii horay u deggannaa iyo kuwa cusub ee dhowaan soo gaaray.

Waxaa ay ka simanyihiin kuligood dhibaatada gurya xumada ee ah in aysan haysan meel ay roobka kaga gabadaan oo xaalkoodu yahay Alloow sahal.

Isxaaq Macalin waa hor joogaha kaamka Haluul iyo Harqaan, oo ah K aam cusub oo dadka ku jira dhawaantaan ka soo barakacay deeganadoodii kadib markii ay Wayeen  xoolihii miyiga ay ku dhaqanayeen iyadoo horayna uga  quustay dalagii beeraha ugu soo go’ kadib markii labadii xili ugu dambeysay ay abaarsadeen beerahoodii, waxaana Isxaaq codsanayaa in gargaar deg-deg ah lala soo gaaro barakacayaashan cusub  aqaladii balanbaalka ahaa ee ay ku gabanayeen daadku ugu soo galay.

iyagoo  naawilaayey  in ka hor Roobka ay Bacaha roobka laga gallo kaheli doonaan  hay’adaha gar gaarka  ka shaqeeya ee UN ka Kuwa caalamiga ah iyo maamulka degmada Baydhabo in ay siin doonaan aysan dhicin.

Hayeshee sida ay qorsheynayeen waxba uma aysan dhicin, gar gaar dayee booqasho looguma imaan, iyadoo  xiligii ay filayeen in curan doonto Deerta 14 Octoobar ay waqtigeedii ka soo hormartay.

Hada oo xaalku ku xunyahay, rajo mooyee hoo maheyaan, in ay hadlaan ugu yaraan bal in warkooda lamaqlo ayay is tuseen. Waxay donayaan ayaa ah, kol haddii ay afka furteen warkoodii warbaahinta baahisay  ayaa ah hadalkooda oo la ajiibo cabashadooda oo  la maqlo muuqooda  oo loo damqado iyo cidlada oo loogu gar gaaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here