Wefdi uu hogaaminayo gudoomiyaha gobolka Sh/Hoose oo soo gaaray Baydhabo.

0
267

Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta soo gaaray wafdi uu hoggaaminayo Guddomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose Ibrahim Adan Ali Najax oo ay weehlinayeen guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolkaasi,kuwaas oo maalmahaan ku sugnaa Magalada Muqdisho,iyada oo siweyn loogu soo dhaweeyey.

Garoonka diyaaradaha Baydhabo wafdiga waxaa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Bulshada rayidka ,fanaaniin Iyo Mas’uliyiinta kale.

Guddomiyaha Gobolka Shabellaha hoose Ibrahim Adan Ali Najax ayaa ugu horeyn u mahadceliyay Bulshadii iyo Mas’uliyiintii kala duwaneey ee soo dhaweysay,wuxuuna dhanka kale ka hadley u jeedada ay Baydhabo usoo gaareen.

Waxaa uu sheegay in Magalada Baydhabo lagu qaban doono kullan Wadatashi ah oo ay soo qaban qaabisey Wasaaradda Arrimaha Gudaha Loonfur Galbeed oo looga hadli doono xaaladaha deeganada KG oo ay ka soo qeyb gali doonaan Dhammaan maamulada Degmooyinka Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here