Shirka Xeer ilaalinta Dalka oo Ka Furmaya Magaalada Baydhabo.

0
340

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo shir sanadeedka ee Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Xeer ilaaliyaasha Dowlad Goboleedyada dalka sida Jubbaland,Hirshabeelle,Puntland,Galmudug iyo Koonfur Galbeed,kaasi oo socon doona Muddo Seddax maalmood

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe Yusuf Axmed ayaa lagu waddaa in uu furo Shirka.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii loo xoojin lahaa xeerilaalinta Soomaaliya iyo Maxkamadda Sare